MW Deni “Hadafka U Weyn Ee Aan Leeyahay Waa In Uusan Xilka Sii Joogi Karin Farmaajo

21

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ugu baaqay dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo la bedelo.

Wuxuu Madaxweyne Saciid Deni tilmaamay in hadafka u weyn ee uu leeyahay ay tahay in uusan sii joogi karin Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana loo baahan yahay in dalka la samatabixiyo oo uu hore u socdo.

“Aniga iyo dadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada labada Aqal iyo kuwa kale ee State-yada kale iyo dadka Soomaaliyeed dhammaantoodba waxaan rajeynaya in aan kawada qeyb qaadano isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, nidaam horumarka u shaqeynaya, nidaam wanaaga iyo isjacaylka abuuraya, nidaam turxaan bixinaya khilaafaadka dadka, kala dheerashahana iyo bulshada dhexdeedana illaalinaya inuu marwalba Isku soo dhoweeyo.” ayuu yiri Madaxweyne Sidiid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uusan ku dhawaaqin inuu Musharax yahay kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Maamulkaas, isagoo ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, sidoo kalena u rajeeyay inuu Alle xilka u fududeeyo.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa muddo dheer lagu xamanayey inuu isku diyaarinayo doorashada hoggaanka ugu sareeya dalka, taasoo laga gartay sida uu maamulay doorashadii xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka.