Maxey ka wada hadleen Midowga Musharixiinta iyo Guddiga FEIT ?

22

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta kulan ku yeeshay xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) iyo Golaha Midowga musharixiinta.

Kulanka labada ayaa looga arrinsanayay marxalada doorasho ee dalka si gaar ah jadwalkii dhameystirka ay dhawaan shaaciyeen guddiga doorashooyinka ee FEIT, kaas oo ay kasoo horjeesteen Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koofur galbeed.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa ka wada hadlay dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen guddiga FEIT, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

Qoraal bartiisa Facebook-ga uu kusoo daabacay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Xubnha Midowga Musharixiinta ayaa yiri “Waxaan maanta kulan la qaadanay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) oo aan kala hadalnay dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.”

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay  Midowga Murashaxiinta ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay in la dedejiyo doorashada si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Midowga Murashaxiinta waxaa ka go’an in la dedejiyo doorashada si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.