Ciidanka Xoogga oo ruux ku toogtay degaanka Isku-darka

55

Ciidanka Xoogga Dalka howlgal ay sameeyeen kadib, waxaa u suurta gashay in ay  ka hor tagaan ruux la sheegay in uu katirsan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab kaas oo doonayay inuu miino ku aaso degaanka isku darka oo u dhexeeya goof-guduud iyo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xooggs Ururka 45-aad Guutada 8- aad Qeybta 60-aad ayaa lagu sheegay in ay ka war qabeen falka uu gacanta ku jiray ruuxaan islamarkaana ay ka hor tageen.

“Ururka 45-aad Guutada 8- aad Qeybta 60-aad Xds oo ka war qabay dhagarta argagixisada ayaa ka hortagay miinadaasi Al-shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka degaanka Goof-guduud ee gobolka Baay iyagoona toogtay dhagar qabihii miina aasayay,”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen mootada nooca laba lugooleeyda ee Fekonta loo yaqaan oo uu watay ruuxa aasayay miinada, kadib markii ciidanka toogteen ninkaas ay la qaraxday miinada uu aasi rabay.