Axmed Diini “Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa caqabad ku ah Doorashada”

20

Axmed Xasan Diini oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay Xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo tilmaamay in uu wajaho Caqabado kaga imaanaya Maamulkiisa.

Axmed Xasan Diini oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda beledweyne ay u hakatay sababo la xiriira faragelin uu ku haayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

“Madaxweynaha Hirshabeelle iyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiiradda ayaa fara-gelin toos ah ku haya Doorashada” ayuu yiri Mr Diini.

Hadalka Axmed Xasan Diini ayaa ku soo aadaya xilli uu taagan yahay khilaaf la xiriira sida loo soo xulayo Ergada dooraneya qaar kamid ah kuraasta taalla Magaalada Beledwayne.