Maxamed Xuseen Waadi oo guddoomiye loogu doortay Beledweyne

50

Guddiga doorashada Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta qabtay doorashada guddoomiyaha guddigaas, kadib markii Madaxweynaha maamulkaas oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii guddigaas Axmed Xuseen Diini.

Guddiga ayaa guddoomiye u doortay hab gacan taag ah Maxamed Xuseen Maxamed Waadi, kaas oo isna wareegto madaxweyne ugu mid noqday xubanimada guddigaas.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, wareegtada xilka qaadista guddoomiyaha guddiga Axmed Diini ayaa u cuskaday in uu ka leexday habsami socodka iyo habraacyadada doorashada 2020-2022.

Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay in uu la yimid xagal daacin iyo hufnaan la,aan shaqo oo la xiriirta guddiga doorashada Hir-shabeelle.

Dhinaca kale, Guddoomiyii hore ee guddiga Axmed Xuseen Diini ayaa isna dhankiisa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo tilmaamay in xilka uu hayo uu ka qaadi karo oo kaliya Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, balse qoraal kasoo baxay Rooble ayaa lagu taageeray xilka qaadista lagu sameeyay Axmed Diini.