Gudoomiyaha Shabeellaha Dhexe “Cidna ka aqbali meyno in Dhulkii Gobolka Shabeellaha dhexe u boobo Gobolka Benaadir”

142

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in maamulka gobolka Bamaadir uu kusoo ballaartay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan ayaa sheegay in dhul ku yaalla degmada Balcad meello hoos yimaada in la raaciyay gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay dhulkaasi uu sharciyo u sameeyay maamulka gobolka Banaadir markii ay u geeyeen ganacsato.

“Cidna ka aqbali meyno in Dhulkii Gobolka Shabeellaha dhexe u boobo Gobolka Benaadir”ayuu yiri Gudoomiye Axmed.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan ganacsatada dhulalka ee ku howlan in dhulka Shabeellaha Dhexe ay Sharciyo uga sameeyaan Banaadir.