Maraykanka oo shaaciyay in xannibaad dhanka socdaalka ah uu saari doono qaar ka mid siyaasiyiinta Soomaalida

48

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay xannibaad dhanka socdaalka ah saari doonto qaar ka mid siyaasiyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaad kale oo ku lug lahaa qalqalinta hanaanka doorashada Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay fulineyso xayiraad safar oo dhinaca Dal ku galka dalkaas ah oo Washington ay kusoo rogtay Madax iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo loo heysto dib udhaca Doorashada.

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Arrintaan ayey Maraykanku ku sheegeen in ay qayb ka tahay isla xisaabtanka falalka is hortagga dimuquraadiyadda iyo dowladnimada Soomaliya.

Dhawaan ayey sheegeen in ay soo saari doonaan liiska madaxda cunaqateynta la saarayo.

Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageertay go,aankii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran ay ku kordhiyeen in Waqtiga doorashada, waxaana ay ku baaqday in xilligaasi aysan dhaafin.