Tirada Askarta Ruushka Kaga Dhimatay Dagaalka Ka Socda Ukraine Oo La Shaaciyey

56

Xoghayaha Gaashandhigga Dowladda Ingiriisja ayaa sheegay dagaalka Ukraine inay Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu iisu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin.” Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.

Dhinaca kale Sarkaal waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay lumiyeen habkii ay ku socdeen ee howlgalkooda ku aaddan qabsashada dalka Ukraine.

Sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, sarkaalkan sheegay in aysan jirin wax xarun dadweyne ah oo laga qabsaday Ukraine ilaa hadda, balse qaar ka mid ah gantaallada Ruushka ay saameyn gaarsiiyeen meelo ay dad rayid ah dagganaayeen.