Lafta-gareen oo xil ka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirdda.

60

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed soomaaliya ayaa xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay Xuno ka tirsan Golihisa Wasiiradda.

Lafta-gareen ayaa xil ka qaadis ugu horeeyntii ku sameeyay Wasiirka wasaarada deggadaha iyo Gadiidka badda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Maxamed Cali iyo Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo kheeyraadka badda Dowlad goboleedka KGS Cabdiqani Cabdullhi Maxamed.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed soomaaliya CabdiCaziiz Xasan maxamed Lafta-gareen ayaa xeer Madaxweeyne ku magacaabay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirdda KGS,

Madaxweynaha ayaa Aweeys Xuseen Macallin u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Degaddaha iyo Gadiidka badda Dowlad Goboleedka KGS, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Cabdullhi Shiikh daahir Muxudiin oo uu umagacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostadda, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Dowlad Goboleedka KGS.

Ugu danbeeyntiina Madaxweynaha ayaa Cabdullhi Cabdi Cumar umagacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheeyraadka badda Dowlad goboleedka KGS.