Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Nin ay sheegeen in uu la Shaqeeynayay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Nuunoow Sanweyne Mursal oo 34 jir ah ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu ahaa Sirdoon u Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana uu sitoos ah ula Shaqeeynayay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa Ninkaasi ku eedeeyay in Nin Sarkaal ah oo Walaashiis qaba uu Hooygiisa ku marti qaaday Xoolana u qalay, isaga oo dagaal kula jira Al-Shabaab, waxaana Goobta toogashada ku sugnaa Boqolaal dadweyne ah oo ay ku amreen inay daawadaan.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab degaanka Kuunya-Baroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogteen laba Rag ah oo ay ku sheegeen inay kamid ahaayeen Askarta Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.