DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

24

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidamada Guutada 5aad iyo Ururka 52 aad ee Qeybta 27aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalka oo daba socday howlgallo ka dhacay degaano kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa laga sameeyau deegaan lagu Magacaabo Baardheere iyo deegaano u dhow dhow kana tirsan Gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgalka sidii loogu talo galay uu u dhacay, isla markaana howlgalka lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab laguna dilay dagaalyahano dhowr ah.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Maleeshiyaadka macawiisleyda ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena howlgallada ay siwadajir ah uga socdaan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalladaan ay socon doonaan ilaa iyo inta Ururka Al-Shabaab laga saarayo degaannada iyo degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowlada Soomaaliya waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano ka tirsan labada Gobol ee Hiiraan & Shabeellaha Dhee, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.