Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka walaacsan Tijaabada Gantaaladda Kuuriyada Waqooyi.

30

Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay sidoo kalana ogaaday in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalo  ballistic-ga kuwaa oo riddadoodu tahay mid dhexe loona yaqaano (IRBM) subaxnimadii hore  Axadda, taasoo ahayd tijaabadii toddobaad ee Kooriyada Woqooyi ay tijaabiso hubka Gantaaladda bishan oo kaliya.

Labada dal ee jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareeyay tijaabadan oo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah ammaanka gobolka iyadoo saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ay ka digayaan in tijaabadan ay horseedi karto in dib loo tijaabiyo hubka riddada dheer iyo bambooyinka Nukliyeerka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay tijaabooyinka sii kordhaya, iyadoo Janaayo ay ka mid tahay bilihii ugu mashquulka badnaa abid ee barnaamijka horumarinta hubka ee Pyongyang.