Guddiga abaabulka banaanbaxa khamiista oo ka horyimid hadalkii maamulka G/Banaadir

48

Guddiga qaban qaabada banaanbaxa la qorsheeyay Khamiista ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa ka soo horjeestay go’aanka uu maamulka gobolka maanta ku sheegay in marnaba aan la aqbali karin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah guddiga ayaa sheegay in maalinta khamiista ay qaban doonaan Banaanbaxa, islamarkaana waxaa ay sheegeen in dastuurka uu xaq u siinayo in ay banaanbax dhigaan, iyagoona ciidanka ugu digay in ay is hortaag ku sameeyaan banaanbaxayaasha.

“Ciidamadda waxa aan leenahay Farmaajo iyo bannaanbaxayaasha waad u dhaxeysaan’ ayuu yiri Yuusuf Maxamed Mursal oo xubin ka ah guddiga.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) ayaa isna waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

“Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka, xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulshada ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri Cali Maxamed.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kala hadlay guddoomiyaasha degmooyinka iyo madaxda laamaha amniga ineysan Muqdisho xamili karin culeysyo cusub, islamarkaana aysan aqbali doonin in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo uusan la socon maamulka gobolka Banaadir.

Go’aankan ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan abaabulka banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho maalinta Khamiista ee taariiqdu ku beegan tahay 13-01-2022, kaasoo looga soo horjeedo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.