Deni iyo James Swan oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

24

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay muhiimada ay leedahay in ay sii dardargeliyaan doorkooda ku aadan Doorashadda Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadaya xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.