Wasiirka ganacsiga oo shaqo joojin ku sameeyay Maareeyihii hay’adda Tayo-dhowr

20

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa shaqadii ka joojiyey Maareeyahii guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, Aadan Xasan Barre.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Khaliif ayaa lagu sheegay in shaqada uga joojiyay Maareeyihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka, isla markaana waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo Wadashaqeyn la’aanta Mas’uuliyiinta kale ee Hay’adda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xilka Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si KMG ah ugu magacaabay inuu noqdo maareeye ku-xigeenka Hay’addaasi

Maareeyaha xilka laga qaaday ayaa waxaa horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.