Kenya oo dib u fureysa Xadka Soomaaliya

62

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u furi doonto xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay saraakiisha waddankaasi cabsi ka muujiyeen in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.

Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa soo gaba gabeeyay qorshaha lagu furay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya. Mandheera ayaana noqon doota meesha u horreysa ee la ogolaan doono in la soo galo.

Sidoo kale, degmooyinka kale ayaa lagu wadaa in biloon soo socda laga Kenya oo in muddo ah xirnaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga.

Shacabka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku gudba, iyaga oo baddeecadooda kala geela labada dal.