Tobonaan ruux oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Gobolka Tigrey

22

Duqeymo ay ciidamada Militeriga Itoobiya ka fuliyeen gobolka Tigrey ayaa waxaa ku dhintay tobbonaan ruux oo u badan Riyad ah.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in 56 qof ay ku dhinteen duqeyn lagu fuliyay xiryo qaxooti, halka 30 qof kalena ay ku dhawaacmeen weerarka.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weeraradan lagu qaaday xiryaha iyo goobo waxbarasho oo ku yaala degmada Dedebit balse sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka oo lagu daweynayo isbitaal.