Itoobiya oo cafis u fidineeyso hogaamiyayaasha kooxda TPLF iyo qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

49

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay cafis u fidin doonto oo ay sii deyn doonto qaar ka mid ah maxaabiista siyaasadda ee ugu caansan dalkaas, sida hoggaamiyaha mucaaradka Jawar Mohammed iyo saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Tigreega.

Ku dhawaaqista siideeynta maxaabiista ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu soo saaray bayaan uu ku baaqayo “dib u heshiisiin qaran”

liiska lasoo saray ayaa waxaa ku jiro dhowr hogaamiye oo ka tirsan kooxda TPLF (Tigray People’s Liberation Front), kuwaas oo ciidamadoodu ay dagaal ba’an kula jiraan ciidamada dawladda ee waqooyiga Itoobiya tan iyo bishii Nofembar 2020, waxaana sidoo kale kujiro hoggaamiyeyaasha caanka ah ee mucaaradka Oromada iyoAmxaari.

Ilaa hadda ma cadda tirada cafiska ee la sii daayay, Waxaysa noqoneysaa tillaabadii ugu yaabka badnayd ee ay qaado dowladda tan iyo markii uu dagaalka Tigreega uu galay waji cusub dabayaaqadii bishii December, markaasoo ciidamada Tigreegu ay isaga baxeen deegaankooda oo ay duulaan militari ku qaadeen.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC, ayaa magacawday Jawar iyo Eskinder Nega, kuwaas oo la xiray bishii Luulyo 2020, iyaga oo lala xiriirinayo dilka fanaankii caanka ahaa ee Oromada Hachalu Hundessa, kuwaas oo cafis loo fidiyay.