farmaajo iyo Saadaq joon oo kulan ku yeeshay villa soomaaliya

41

-Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyadd Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, sidoo Qof kale ayaa BBC u xaqiijiyay kulanka Saadaq Joon iyo farmaajo.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la’a madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa ah murashax u taagan kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa.