Rooble oo ku dhawaaqay in Imaaraadka lagu wareejin doono lacagtii looga qaaday Garoonka Aadan-Cadda

47

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomay deeq gargaar ah dowladda Imaaraadka Carabta ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay, ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.