Puntland oo shir dib u heshiin ah u furtay beelo dagaalamay

40

Shir nabadeed ayaa deegaanka Saax-maygaag ee gobolka Sool maanta uga furmay Odoyaasha iyo wax-garadka laba bee oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay deegaankaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Putland, Axmed Cilmi Karaash iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi u joogay daminta colaadaasi, ayaa shirkaasi furay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa nabadoonada beelahan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii mar dambe aysan deegaanka ugu soo laaban laheyn colaadan oo salka ku haysa muran dhul.

Odoyaasha iyo Wax-garadka beelaha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin In xal waara laga gaaro colaada oo dhowr jeer deegaanka ku soo laabatay, isla markaasna uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ka dib wada hadalka waxaa lagu wadaa in dhinacyada matelaya labada beel ay soo saaraan War-murtiyeed ay kaga hadlayaan qoddobada lagu heshiiyay.