Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo in ay caawa kulmaan

43

Waxaa caawa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Madaxda Golaha Wadashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul wasaaraha, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Golaha ayaa sii wadaya dooda qoddobada ay isku hayaan oo ay ugu wayn tahay arrinta mas’uuliyadda Amniga, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaba in arrinta amniga looga dambeeyo Ra’iisul wasaaraha, halka Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku doodayaan in Madaxweynaha loo daayo mas’uuliyadda Amniga.

Shirka Golaha ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo maalintii shalay, balse dooda oo adkaatay Madaxda ayaa ku ballamay kulamo kale.

Madaxda ayaa ilaa xalay waday kulamo gaar gaar ah oo ay kaga hadlayaan qoddobada la isku mari la’yahay oo arrinta ugu wayn ay tahay mas’uuliyada Amniga Dalka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada eegaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.