Puntland oo soo dhaweysay go’aanka uu Rooble dib ugu soo celinayo xiriirkii u dhexeeyay Imaaradka iyo Soomaaliya

47

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu taageeray talaabada uu R/wasaare Rooble dib ugu soo celinayo xiriirkii u dhexeeyay dowladdaha Imaaradka Carabta iyo Soomaaliya.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri”Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.”

Sidoo kale bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay”Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.”