Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo caawa ka socda Muqdisho

23

Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo caawa loo ballansanaa in la sii ambaqaado ayaa ka socda hotelka Decale ee Muqdisho,halkaasi oo ay xaadir kuwada yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga doodayaa arrimaha amniga iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda ayaa kulamadii hore waxaa ay si weyn ugu doodeen arrinta amniga, iyadoona madaxda qaar ay isku khilaafeen cida hoggaaminaysa masuuliyada amniga.

Lama oga natiijada ka soo bixi doonto shirka caawa ka socda magaalada Muqdisho.