Midowga Musharaxiinta Oo War Kasoo Saaray Dib U Soo Celinta Xiriirkii Somalia & Imaaraadka

39

Midowga Musharaxiinta ayaa dowladda Imaaraadka Carbta uga mahadceliyay Gargaarkii ay soo gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya ee loogu tala-galay dadka saameeyeen Abaaraha ka jira dalka.

Midowga ayaa ku boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble dadaalka uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii u dambeeyay la xumeeyay ee Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka sanadkii tegay ay dalkeena dhexmareen Ganacsi ka badan $1.7 bilyan, ayna sidoo kale Xarun u tahay Shirkaddaha Ganacsiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Midowga ayaa dowladda Imaaraadka Carabka ku booriyey inay dib u soo celiyaan xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, adeegyadii Caafimaad, isla markaana ay fududeeyan dal ku galka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta qaaday tallaabo uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii u dambeeyay xumaaday ee Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.