Abaabulka Bannaanbaxyo lagu kala taageerayo Farmaajo iyo Rooble oo socda

28

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda abaabulka kulamo dadweyne iyo banaanbaxyo iska hor jeeda oo lagu kala taageerayo Mw Farmaajo iyo RW Rooble oo khilaaf adag u dhaxeeyo.

Shalay waxaa Muqdisho lagu qabtay kulan lagu taageerayo MW Farmaajo waxaana soo abaabulay maamulka gobalka Banaadir oo gaadiid ku soo qaaday qaar kamid ah Haweenka Malaamilayda ee u shaqeeya dowlada Hoose ee Xamar, sidoo kale isla shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan lagu abaabulayo banaanbax ka dhan ah MW Farmaajo.

Abaabulka Banaanbaxaan oo todobaadkaan dhici doono ayaa waxaa wado wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi, odayaal iyo siyaasiin ku aftirsada kursiga Hop67 oo doorashadiisa dooda ka taagan tahay iyo qaar kale oo katirsan bulshada gobalka Banaadir.

Nabadoon Cali Xasan oo loo yaqaano Cali Jeesto islamarkaana ah odayga dhaqanka ee leh saxiixa kursiga Hop67 ayaa dhankiisa ku dhawaaqay banaanbaxaan waxa uuna sheegay in kaliya uusan kan ku koobnaan doonin COD

Ahmed Nuur Guuleed oo ah Murashaxa dacwada ka gudbiyay natiijada doorashadii uu ku soo baxay Yaasiin Fareey oo asna qayb ka ah abaabulka kacdoonka bulsho ee ka socdo Muqdisho ayaa sheegay in dadka gobalka Banaadir aqbali doonin boob doorasho iyo xukun Milateri oo dalka lagu maamulo COD

Waxaa jirto cabsi badan oo laga qabo kulamada siyaasadeed iyo abaabulka banaanbaxyada ay ka sii dari karaan xaalada wadanka, iyadoo xusid mudan tahay in shalay ay warbaahinta ka soo muuqdeen haween danyar ah oo qaarkoodna da’ ah laga qaybgeliyay kulankii dhacay ee lagu tageeray Mw Farmaajo, halka Banaanbax kale oo ka horreeyayna ay booliska kala eryeen.