Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka dowladda Imaraadka Carabta

44

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Imaaradka Carabta  uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen  abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.