Kenya oo ka digtay weeraro kaga yimaada Al-shabaab

45

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya, dowladda Kenya ayaa adkaysa ammaanka dalkeeda, ka dib markii ay kordheen weerarada ay Al-shabaab ka gaysanayaan wadankaasi.

Laamaha ammaanka Kenya sheegay in ay ka cabsi qabaan in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weerar ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in ay ciidan dheeraad ah geysay magaalada Laamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo uu dhowaan ka dhacay weerar ay ku dhinteen ilaa lix ruux, iyada oo dabna la qabad siiyay.

Dowladda Iniriiska ayaa 30-kii Diseembar cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan halista weerarro dhici kara Kenya bishaan January.

Bishan January waxay Kenya u tahay bil ay gasho feejignaan dheeraad ah, iyadoo ka tusaale qaadanaya weeraro horey u dhacay oo ay Alshabaab ka dambeeyaan, kuwaas oo dhaliyay khasaare weyn.

Booliska Kenya ayaa horey sheegay in ay xireen siddeed qof kadib weerar ka dhacay gobolka xeebta ee soohdinta la leh Soomaaliya kaas oo sababay dhimashada lix qof iyo guryo dab la qabad siiyay.