Al-shabaab oo ka hadashay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.

23

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble, isagoo khilaafkaan ku tilmaamay mid banaanka soo dhigay daacad darrada madaxda Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay

Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in shisheeyuhu uusan waxaba u reeban Soomaaliya, isagoo madaxda Soomaalida ku eedeeyay kuwo u kala carara xarunta Xalane, iyagoo u kala dacwoonaya safiirrada reer Galbeedka.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa hadalkiisa ku sheegay in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliya iyo khilaafkaan uu shaaca ka qaadayo “xumaanta uu leeyahay nidaamka ku dhisan dimuqraadiyadda.”