Wasiirka gaadiidka XFS oo beeniyay in la wareejiyay Maamulka hawadda.

45

Duran Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka XFS ayaa manta si rasmi ah u beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada lana xariiray in Maamulka hawadda Dalka. ka wareejiyay kuwaa saacadihii lasoo dhafay qabsaday baraha bulshada.

Duran Axmed Faarax ayaa shegay in ay tahay waxba kama  jiraan  in Maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay sidoo kalana  fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed u caddaynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda XFS ay Maamulka hawadda  ku wareejisay Shirkad gaar loo leeyahay,, ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka.

“Dawladda Soomaaliya ayaa Maamusha hawadda, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawadda dalka. ayuu raciyaay qormadiisa.