Booliska Puntland oo xabsiga dhigay dad ku eedeysan barakicinta shacabka Boosaaso

52

Taliyaha Booliiska Gobolka Bari ee maamulka Puntland, G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xiray qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka magaalada Boosaaso, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga bara-kaco magaalada Boosaaso

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay ku guuleysteen in ay xabsiga dhigaan 3 nin oo ku eedaysan in ay qeyb ka ahaayeen khalkhal gelinta bulshada iyo warar been-abuur ah, si ay lacag uga sameeyaan bara-kicinta shacabka ku nool magaalada Boosaaso.

:”Xalay bulshada waxaa lagu abuurey qalqal waliba waxaa arrintaasi hurinaya dad aan dowladda iyo dhinicii kaleba ahayn iyo dad Takaasiley ah oo dadka Boosaaso barakicinaya; si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay ka waan tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa in ay sugaan ammaanka”.ayuu yiri Taliye Dirir.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa digniin u diray dadka ku hawllan wararka been-abuurka ah, islamarkaana ee lagu khalkhal gelinayo magaalada Boosaaso.