Xukuumadda oo faah faahisay Shirka Golaha wadatashiga Qaran

27
Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran  ee ka socda magaalada Muqdisho uuna guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo shalay furmay ayna ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale, isagoo Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee howlaha doorashooyinka, iyagoo tilmaamay in aan cidna laga aqbali doonin in ay caqabad ku noqoto geeddi socodka doorashada dalka.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta, iyo haweenka oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada,