Booliska Gobolka Bari oo qabtay Gaari waday Hub saanadda ciidan.

48

Muqdisho-KNN-Booliiska Gobolka Bari, oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Puntland, ayaa Boosaaso ku qabtay gaari lagu soo qariyay badan.

Booliska gobolka bari ayaa shegay in Gaariga ay qabteen uu noociisu yahay ISKA-ROGO, ayna ku qabteen garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso, sida uu sheegay askari ka tirsan Ciidankii qabtay gaariga oo la hadlay warbaahinta.

Booliiska ayaa sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran, balse Ciidanku xogtiisa hayeen sidaana ay kusoo qabteen

Ugu danbeeyntii Booliska ayaa sheegay in ay xog ka hayaan cidda mas’uulka ka ah Gaariga iyo meesha loo waday hubka, islamarkaana baaritaan dheeriya ku samaynayaan.