Puntland oo wado dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaalo ka dhacay sool.

67

Waxaa gobolka sool ka socdo dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaal beleedyo u dhaxeeyo labo maleeshiyo beleed oo ka dhacay degaanka Saax-maygaag halkaasi oo ay ku dhinteen dad faro badan oo Lada dhinac ee dagaalamay ka tirsanaa.

Madaxweyne ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Cismaan oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda goboleedka puntland ayaa shalay gaaray degaanka Saax-maygaag iyagoona kulmo kala duwan la qaatan dhinacyadii ku dagaallamay degaanka Saax-maygaag.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda goboleedka Puntland Mudane Mohamed A. Dhabancad  oo qayb ka ahaa waftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa socdaal Nabaddeed Ku gaaray Deegaanada sangajabiye iyo Saax-maygaag.

Ujeeddada safarka weftigaan ayaa salka ku hayey sidii xal nabadeed oo waara looga gaari lahaa dirir soo noq-noqotay oo deegaamadaas ku dhexmartay laba beelood oo walaala ah, waxayna kulamo kala duwan la qaateen wax garadka iyo Odayaasha Deegaankaas.