Xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta degan.

62

Iyadoo malmihii lasoo dhafay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka taagneed xiisad u dhaxeeyo ciidanka Dowladda iyo Ciidan uu hogaamiyo Sargaal lagu magacaabo nuur dhere ayaa hatan laga soo sheegayaa in ay xaaladu degan tahay.

Odoyasha dhaqanka Beledweeyne ayaa saacadihii lasoo dhafay ku howlanaa dejinta xiisada halkaasi ka taagan iyagoona waan-waan ka dhex bilaabay dhinacyadii dagaalmay

DHinaca kale waxaa dib u furmay wadooyin u xirmay rabshado awadood labadii maalin ee lasoo dhaafay oo ay martigalisay Magaalada Beledweyne.

Arintaani ayaa timid  kadib markii ay Najaxday waan waantii odayaasha dhaqanka ay ka dhax wadeen dhinacayadii dagaalamay, Xaalada Magaaladdaas ayaana maanta ah mid nabdoon.