James Swan “Golaha wadatashiga qaran waa awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hanaanka doorashadda”

67

Wakiilka gaarka ah ee Qaranada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, sheegay inay taageerayaan shirka golaha wadatashiga qaran oo maalinkii labaad ka socda muqdisho. Isagoo tilmaamay in shirku yahay fursad lagu hagaajinayo cabashooyinka laga qabo doorashadda Golaha Shacabka.

“Waxaan garwaaqsanahay in khaladaad badan oo dhanka habraac ah lagu arkay doorashadda Golaha Shacabka ee illaa hadda la qabtay. waaxaan ku boorineyna golaha wadatashiga qaranka in shirkaan ay kaga faa’ideystaan sixitaanka cilladahaas si doorashaddu ay u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonan karo” ayuu yiri erayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu yiri “Golaha Wadatashigga Qaran waa inay dejiyaan jadwalka lagu dhameystirayo doorashadda oo ah mid suuragal oo dhammaan madaxda dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ay si dhab ah ugu go’an tahay”.

Waxaan sii wadeyna taageeradda golaha wadatashiga qaran si loo dhaqan galiyo heshiisyaddii17-kii Sebtember ee 2020-ka iyo 27-kii 27 May 2021. Waxaan u aragna in goluhu yahay mishiinka iyo awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hannaanka doorashadda, mana taageerno gole kale.