Puntland oo wafdi u dirtay degaankii lagu dagaalamay ee Gobolka Sool

30

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bilaabay dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa Colaadda soo laab laabatay ee kajirta degaanka Saxmeegaag ee Gobolka Sool, taas oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed oo degaankaas wada dega.

Maanta waxaa degaanka Saxmeegaag ee Gobolka Sool gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kuwaas oo bilaabaya wada-hadallo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaadda labada Beelood.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhinacyada ku dagaallamay degaanka Saax-maygaag si loo joojiyo xiisadda colaadeed, wuxuuna ku sugnaan doonaa degaanka ilaa inta laga kala qaadayo dhinacyada dagaallamay.

War kasoo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Saxmeegaag inay Colaada jooniyaan, isla markaana wixii tabasho ah ee jira miiska wada-hadalka ku xaliyaan.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka labada Beelood aya bilaabay waan-waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka, iyada oo ay dagaalka ku dhinteen lix Ruux halka 15 kale ay ku dhaawacmeen.