Ciidanka xoogga dalka & AMISOM oo ka shiray la-dagaalanka Al-Shabaab

40

Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Kunaadooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor iyo kuwo ka socda Ciidanka Uganda ee kamid ah AMISOM ayaa kulan ku yeeshay degaanka lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay kaga hadlayeen arrimaha amniga Gobolka.

Kulanka oo sidoo kale qeybb ka ahaayeen mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Marka ayaa lagu falan qeeyay xaaladaha Amni ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaabi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in dhinacyada ay sidoo kale ka wada hadleen sidii Guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose amnigiisa ay siwadajir ah uga qeyb qaadan lahaayeen Ciidanka Guutada Gorgor iyo kuwa AMISOM.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamada igu badan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, balse ay ka dhacaan weeraro qorsheysan oo lagu qaado Saldhigyada Ciidamada.