Daacish oo weerar khasaare geystay ku qaaday xero ay degenyihiin ciidamo Syrian ah.

29

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa ku naf waayay 20 kalena waa ay
ku dhaawacmeen weerar ururka hubeysan ee Daacish ku qaaday xero ay
deganyihiin ciidamada Syria oo ku taala bariga dalkaas.

Warbaahinta dawlada Syria ayaa sheegtay in weerarkaas oo loo adeegsaday
madaafiic lagu qaaday xero ciidan oo ku taala magaalada Baadiyaa oo bariga
Syria ku taala.
Wasaaradda difaaca Syria ayaa sheegtay in askarta waxyeeladu soo gaartay
qaarkood ay la socdeen gaari bas ah oo ay doonayeen inay xerada ka
baxaan.

Qeybo ka mid ah dhulka weerarku ka dhacay waxaa maamula ciidamada loo
yaqaan ciidamada xorta ah ee Syria iyo ururka Kurdiyiinta ee YPG.
Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas oo saaka aroortii
dhacay.