Al Shabaab oo ugu yaraan lix qof ku dilay Kenya.

41

Ugu yaraan lix qof ayaa dabley looga shakisan yahay Al-shabaab ku dileen deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya, waxayna sidoo kale dab qabadsiiyeen xaafado halkaas ku yaala.

Booliska ayaa sheegay in dagaalyahano aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen xaafado ka tirsan deegaanka Widhu subaxnimadii Isniinta.

Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geysatay gobolka Lamu ee xuduudka la leh Soomaaliya.