Puntland oo ku baaqday in la joojiyo colaada ka taagan Sool

24

iyadoo saaka dagaal xoogan oo u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay degaanada Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhexeeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal, ayaa maamulka puntlad kasoo saraya baaq nabadeed.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbaahinta shir jaraaid u qabtay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalmay in ay joojiyaan dagaalka sidoo kalana ay qaataan xabad joojin shuruud la,aan ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay wax garadka maamulka puntland in ay ka qeeyb qaatan joojinta dagaalka isagoona shegay in loo bahan yahay in dowladu iyana ay ja qeeyb qaadato joojinta dagaalka.

Hadalka madaxweyna ku xigeenka maamulka puntland ayaa kusoo aadayo xili dagaal dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac keh uu ka dhacay degaanada Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhexeeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.