Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

59

Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo uu dhowaan ka furmayo shirka Golaha Wadashiga oo uu Iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Wafdiga Lafta gareen ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin isugu jirta Xildhibaano, wasiiro iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa isagu hore u sheegay in uusan ka qeyb gali doonin shirka uu iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo taageeray kulanka wadashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijiyay in uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.