Banaan bax ka dhacay beledweeyne.

51

Banaanbaxyo xoogan oo ka dhan ah Madaxda Maamulka Hir-shabeelle sidoo kalena lagu taageerayo Sarkaalka lagu Magacaabo Nuur Dheere ee ku sugan degaanka Qowlad ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Shacab faro badan oo dhigay Baan baxa ayaa wadooyinka ku jaray dhagxaan iyo qashin waxaana ay sida ay shegeen dadkaani kasoo horjeedaan maamulka Hir-shabele, iyo dagaalka saaka lagu qaaday sargaal lagu magacaabo nuur dheere.

Wali waxaa xiran goobaha ganacsiga qeeybo ka mid ah magaalada beledweyne kuwaa oo ka baqdin qabo in uu saameeyo banan baxa ay dhigayaan dadka shacabka ah kana socdo magaalada .

Maamulka gobolka iyo kan magaalada wali kama aysan hadlin banaan baxa looga soo horjeedo maamulka hir-shabele waxaase banaan baxaani kusoo aadayaa iyadoo saaka dagaal ka dhacay degaano hoos yimaado gobolka hiiraan kuwaa oo u dhaxeeyo ciidamada dowlada iyo sargaal laku magacaabo nuur dheere.