Qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Kenyan & khasaaro ka dhashay

51

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay la beegsadeen Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya, xilli ay marayeen degaano u dhow Magaalada lamu ee Gobolka Waqoohi Bari Kenya.

Qaraxa koowaad ayaa lala beegsaday Gaari nooca loo yaaqaano Biijiga xilli uu marayay inta u dhaxeeysa degaannada Sankuran iyo Kayunga ee kuyaal duleedka Magaalada lamu ee dalka Kenya, waxaana la sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Askar Kenyan ah..

Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ka dhacay  agagaarka degaanka Kayunga, waxaana lala beegsaday Mooto uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya, iyada oo la sheegay in aaraxaasi uu kaliya ku dhintay Sarkaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada labada qarax, waxaana ay sheegeen inay ku dileen 20 kamis ah Askarta Kenya walow aysan jirin cid xaaiijineysa sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin qaraxaas, hayeeshee dhowr jeer ayaa waxaa qaraxyo khasaaro geystay lala beegsaday Ciidamada Millateriga iyo kuwa Booliska Kenya xilli ay ku socdaalayeen degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.