Puntland oo soo bandhigtay hub lagu soo qabtay howlgal

53

Gaalkacayo-Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen

Goobta lagu soo bandhigayay hubka howlagalka lagu soo qabtay waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka mudug Muumin Cabdishire Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo,

Hubkaan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada.