Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ku casuumay gogol wadatashi qaran oo magaalada Muqdisho ka furmi doonta 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026, si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan shirka.
Gogoshan ayaa imanaysa xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka dalka iyo sida loo gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Xasan Sheekh ayaa khudbad uu xalay u jeediyey shacabka ku sheegay in albaabka wada-hadalku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo isu-tanaasul ku dhisan danta guud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkaystay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dib u dhiska nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Casuumaadda cusub ayaa noqonaysa fursad ay dowladda iyo dhinacyada mucaaradku kaga wada hadli karaan khilaafaadka jira, inkasta oo aan weli la ogeyn mowqifyada ay dhinacyada la casuumay ka qaadan doonaan gogosha.











