Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland iyo dabley hubeysan oo barqanimadii Maanta waxaa ay Israsaaseyn socotay daqiiqado ku dhexmartay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.
Israsaaseynta ayaa ka dambeysay, kadib markii Taliye ku-xigeenka Booliska Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud iyo ilaaladiisa isku dayeen inay qabtaan Nin ku eedeysan inuu ka Ganacsado Khamriga oo ay baadi goobayeen Booliska.
Ninka eedeysanaha ayaa la sheegay inuu orad ku galay Xarunta weyn ee Shirkadda Golis ee Garoowe, waxaana halkaas uga daba galay Taliye ku-xigeenka Booliska Nugaal, iyadoo labadooda uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah oo ay is feereen.
Rag hubeysan oo dusha sare kala socday Ninka ay ku raad-joogeen Booliska ayaa rasaas xoogan ku bilaabay Ciidanka la socday G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud, iyadoona Israsaaseynta daqiiqado socotay kadib, ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa.
Ma jiro wax war khasaaro ah oo ka dhashay Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal iyo raggii hubeysanaa oo la sheegay inuu watay Ninka lagu eedeeyay inuu Khamriga ka Ganacsado oo ay baadi goobayeen Ciidanka.
Ciidanka Maamulka Puntland iyo ragĀ ka ganacsada Khamriga iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya ayaa waxaa ay dhowr jeer dagaalo kala duwan khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray degaano ka tirsan Puntland.