Maamulka Gobolka Hiiraan oo qabtay rag weeraray Guddoomiye Jeyte

40

Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa looga hadlay dagaal xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, kaas oo dhexmaray Ciidamo la socday wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo Warsaxaafadeedka Akhriyay ayaa sheegay in xilli saacadu ku beegneyd abaare (7) Todobadii Fiidnimo ee xalay Xmxili ay safar shaqo kasoo laabteen Dmdegmada Feer-Feer Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabeelle,  Taliyaha Guutada 5 aad, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka hiiraan iyo masùlinyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur Dheere, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoigan.

” Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu Ahaa fal-Huwan halistiisa waxaane la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeeysay ayuu yiri” Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas kadib Ciidamada qalabka sida iyaga oo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo falka dhacay Ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray waajib Gudashadooda shaqo ay sameeyen howlgal lagu soo afjarayo Burcadii Jidka u gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer Wasiiro, isla markaana la soo qabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay. .

” Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne  ayaa lagu yiri” Waka kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, balse dagaalka uu saameyn ku reebay dadka kunool Beledweyne.