Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo socda

41

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo xal loogu gaarayo khilaafda circa isku sii shareeray ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamadaan ayaa waxaa wada Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee Muqdisho ku sugan sida Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo qaar kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweyne.

Mas’uuliyiintan ayaana labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha midkasta ka dhageysnaya doodiisa ku aadan qoddobada asalka u ah khilaafkooda.

Ururada Bulshada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujinaya khilaafka labada mas’uul oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka Doorashada dalka.