Midowga Afrika oo baaq u diray Farmaajo iyo Rooble

31

Midowga Afrika ayaa sheegay in aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka in xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay ku soo gaba gabeeyaan wada hadal.

“Waxaanu ku baaqayaa in la sii wado wada-xaajoodka iyo wada-hadalka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, si xal siyaasadeed loogu helo xaaladdan taagan” ayuu yiri Guddoomiye Faki.

Isga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Midowga Afrika ayaa mar kale ballan qaaday in uu sare u qaadi doono taageerada uu siinayo nabad waarta iyo siyaasadda xasilloon ee Soomaaliya”.

Midowga Afrika ayaa kamid ah ururda dowladda Soomaaliya ka taageera arrimaha Amniga, iyada oo ay hoostagaan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom